#Ciidanka Amaanka oo howlgal ka fuliyay Muqdisho

78,871

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal xalay ka fuliyay degmada Yaaqshiid ee Magalaada Muqdisho.

Howlgalkan oo ay Ciidamada ku galayeen guryaha degmadaas ayaa lagu qab qabtay dhallinyaro farabadan.

Baaritaan ayey askarta ku sameynayeen dhallinyarada iyaga oo weydiinayay su’aalo farabadan.

Ciidamada ayaa dhallinyarada kala soocayay waxaana inta badan la sii daayay dhallinyaradii la qabqabtay iyada oo qeyb tuhun lagu hayay loo gudbiyay laanta dambi baarista ee Soomaaliya.

Inta uu howlgalka ka socday Yaaqshiid waxaa kulan dhinaca amniga looga hadlayay kulahaa Degmada Shibis Mas’uuliyiinta amniga ee 17ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More