#Ciidank Maamulka Biixi oo rasaas ku furay shacabka Calanka Soomaaliya ka taagay duleedka Ceerigaabo

1,258,922

Ciidamada Somaliland ayaa dhaawacay dhowr qof oo ku sugnaa degaanka Damalle-Xagarre ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay ku rasaaseeyeen qaar ka mid ah dadka degaanka oo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagay degaankaas.

Saraakiisha Ciidanka Somaliland ayaa dadka ku amray in Calanka Somaliya ay ka dejiyaan degaanka ay ka taageen waxaana arrintaas ka biya diiday dadkii calanka taagay.

Saraakiisha ayaa amar ku siisay askarta in ay rasaaseeyaan,waxaana ka dhashay dhaawac dhowr qof oo ka mid ah dadka degaanka.

Xiisad ka dhalatay rasaasta iyo dhaawac dadkaas ayaa la sheegayaa in ay saaka ka taagan tahay degaanka Damalle-Xagarre ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay sheegay in Somaliland iyo Puntland aysan dagaalsaneyn laakiin waxaa ay isku hayaan tahay sohdintii uu gumeysiga u xariiqay Afrika.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More