#Ciidamo lakala dhexdhigay Maleeshiyo ku dagaalantay Gaalkacyo

5

Saakay ayay aheyd markii dagaal culsu uu Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dhexmaray maleeshiyaad hubeysan oo isku-heystay dhul halkaasi ku yaalla, hayeeshee waxaa maleeshiyaadka la kala dhex-dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa waxaa uu geystay dhimashada 3 Ruux iyo dhaawaca 5 kale,waxaana ku baxay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkaas.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Puntland Col. Cismaan Xassan Cowke (Afdalow) oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinada ka howlgalla Puntland ayaa sheegay in Laamaha Amaniga Puntland iyo waxgaradka Gaalkacyo ay ku guuleysteen joojinta dagaalkaas,isla markaana ay Ciidamo kala dhex dhigeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyaha in Odayaasha iyo waxgaradka Gaalkacyo ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa xiisada maleeshiyaadka dagaalamay, isla markaana uu rajeynayo in xal buuxa laga gaaro.

Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo mudo socday oo u dhaxeeyey Maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, hayeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More