Ciidamo Koofiyad gaduud ah Oo Hor-dhac U Ah Safarka Farmaajo Oo la Geeyay Dhuusamareeb

25,918

Ciidamo Koofiyad gaduud ah Oo Hor-dhac U Ah Safarka Farmaajo. Oo la Geeyay maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug .

Diyaaradaha gaaray magaalada Dhuusomareeb. Waxaa la socday ciidamo badan oo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee loo yaqaan Koofiyo cas. Kuwaa oo Madaxweynaha uga sii hormareyey Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Dhuusomareeb si uu usoo xiro shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudig oo mudo isbuuc ka badan ka socday Caasimada Galmudug.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana si weyn loo sii adkeeyay, waxaana qeybo badan oo magaalada gaar ahaan xarumaha muhiimka ah lagu arkayaa ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More