Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga oo u badan hal beel oo laga joojiyey mushaarkii

Muqdisho (Axadle) – Axadle ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen.

Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Miliateriga iyo booliska Soomaaliya.

Xogta ay heshay Axadle ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade.

Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood.

Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay.

Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Axadle u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Militeriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Axadle ma helin cadeymo arrintaas la xariira.

Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More