#Ciidamada Xooga oo Gacanta ku dhigay koox Isbaaro u taalay Gobolka Shabeelaha hoose

6

Gobolka Shabeelaha hoose oo ah halka ugu badan ee yalaan Isbaarooyinka lacago aan sharci aheyn looga qaado gaadiidka rakaabka iyo xamuulka ayaa waxa howl isbaaro qaadis ah ka sameeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada  Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Howl-galkan oo ay hor kacayeen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowra oo lagu dhibaateyn jiray Dadka Shacabka ah.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxa ay gacanta ku dhigeen rag ka mid ah kooxaha Isbaarooyinka dhigta Gobolka Shabeelaha hoose iyo hubkii ay wateen.

Taliye, Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa kusoo aadaya ayadoo maalin ka hor degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hose kormeer ku tageen Taliyeyaasha Ciidamada booliska iyo Milatariga Soomaaliya, kuwaas oo u kuur galayay xaalada amaan ee Afgooye.

Warar ayaa sheegaya in Degmada Afgooye uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo sidaas darteedna ay taliyeyaasha u kormeereen amaanka Degmada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More