#Ciidamada Jubbaland oo dhaqdhaqaaq xoogan ka wado Jubbada hoose

2

- Advertisement -

Wararka saakay naga soo gaaraya Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbada ay saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

- Advertisement -

Goobaha ay dhaq dhaqqayada ka wadaan Ciidamada ayaa waxaa ka mid ah tuulooyin hoostaga degmada Afmadow iyo aaga baar Sanguuni.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga  Baar Sanguuni oo warbaahinta ugu warbixiyay howlagaladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gaareyn, ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareyn howgaladaasi.

Waxa uuna sheegay in weli howgaladu ay socdaan ayna ka adkaadeyn Shabaabkii ay ku dagaalameyn deegaanada maamulkaasi, waxa uu intaasi raaciyay in deegaano hor leh oo ay weli Shabaab kaga harsanyihiin Jubbooyinka ay ka saari doonaan.

Sidoo Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa saakay gaaray tuulooyin hoostaga degmada Afmadow,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanad ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalma ka hor degmada Afmadow waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo diyaarado lagu geeyay,kuwaas oo laga daabulay Magalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhawaanahaan Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waday diyaar garow ciidan oo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhawaan sheegay in Maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanad ay gacanta ku hayaan sigaar ah Gobolka Jubbada Dhexe.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More