#Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay ka qeyb galeen Dagaal Beeleedkii Kaxandhaale

3

- Advertisement -

War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka degmada Gelinsoor ee Galmudug, ayaa looga hadlay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Qoraalka, ayaa lagu sheegay in duulaan lagu soo qaaday deegaano ay Nabad ku joogeen Beelo Somaliyeed, loona geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada Gelinsoor ayaa cambaareeyay dagaalka isagoo sheegay in lagu soo qaaday dad Soomaaliyeed oo si nabad ah isaga jooga deegaanadooda.

Sidoo kale maamulka Gelinsoor, waxa ay sheegeen  in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka qeybqaateen dagaalka, iyagoo taageerayay mid kamid ah labada beel ee dagaalamayay.

Waxa ay sheegeen iney gacanta ku soo dhigeen laba kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbay xadka si ay dagaalka uga qeybqaataan.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2018/12/war-s.pdf” title=”war s”]

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More