Xog: 130 ka mid ah ardayda Muqdisho oo halis ugu jira inay i…

Muqdisho (Axadle) – Axadle ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool Caasimadda Muqdisho ay wajahayaan halis weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasoo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho. 

Waaliidin badan ayaa Axadle u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray Dropout oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka. 

Aabe Xuseen Bootaan Xasan ayaa sheegay in uu ka tirsan guddiga waalidiinta ee Iskuul ku yaalla Muqdisho islamarkaana ay dhigato gabadhiisa muddo 12 sano ah balse ay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya u soo qortay Dropout, taasoo xadgudub ku ah xuquuqda ardayda Soomaaliyeed. 

“Waxaan la kulmay ilaa 3 agaasime oo ka tirsan wasaaradda Waxbarashada iyo agaasimaha waxbarashada Gobolka Banaadir dhamaantoodna waxba kuuma qaban karno ayey i dhaheen maxaan ku muteystay waa xadgudub waana ku takrifal waxaas nama qabtaan,” ayuu yiri Aabe Xuseen Bootaan Xasan. 

Sidoo kale qaar kale oo kamid ah waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Axadle u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan. 

Axadle ayaa xaqiijisay in ardayda qaar si buuxda u dhigan jireen Iskuullada islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa aragnay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam) 

Lama oga sida ay ku dhamaan doonto arrintaan waxaase muuqato in carruur badan ay la daala dhacayaan dhibaatooyin aysan xaq u laheyn in ay maraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More