Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo hab maamuus gaar ah u sameystay

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa gudaha Soomaaliya usoo tallaabay 14-kii Oktobaar 2011-kii, iyaga qiil ka dhiganaya kahortagga weerarada & Afduubka Al-Shabaab oo xiligaas marar kala duwan ka dhacay dalkaas.

Askarta Kenya ayaa kasoo gudbay soohdinta iyaga oo aan heysan ogolaanshiyaha Ururka Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay, Gawaarida Gaashaaman, kuwa yaryar, Sahay & waxyaabaha ay isticmaalayaan ayay lasoo galeen Soomaaliya, halka kor ay kala socdeen diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

Sanad kadib saldhigashada Xukuumadda Nairobi ee Koofurta Soomaaliya, waa 2012-kii, Kenya ayaa u gooni yeeshay in sanad waliba ay maamuusto 14-ka Oktoobar maalinta Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) si ay u xusuusato Askarteeda waxyeelada gaartay.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma ayaa fariin dhiiragelin ah u dirtay Ciidamada KDF ee jooga Soomaaliya, waxa ay ku bogaadisay in ay sii laba-laabaan howlgalkooda oo ah mid dan u ah labada Dowladood.

“Aniga oo ka faaiiideysanaya fursaddaan, waxa aan rabaa in aan bogaadiyo ciidamada geesiyaasha ah ee howlgalka u jooga saldhigyada kale duwan ee Soomaaliya, saraakiil, ku xigeenno ilaa askarta darajada hoose, 14-ka Oktoobar, sanad waliba waxa aan xusuusaneynaa geesiyaashii naga geeriyooday iyaga oo raadinaya nabaddeena & tan deriskeena Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Difaaca Kenya Monica Juma.

Askarta Kenya ayay ku tilmaamay in ku wanaagsan yihiin gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday, iyaga iyo qoysaskooda ayay ugu baaqday laba-laabka howlaha nabadgalyada lagu raadinayo.

Dagaalkii ugu dhimashada & Dhaawaca badnaa ee Askarta Kenya ay la kulmaan inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya waa Weerarkii Ceel Cadde ee dhacay 15 January 2016, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa shaacisay in ay ku dishay in ka badan 280-Askari.

Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa marar kala duwan loo diiwaangeliyay dambiyo ka dhan ah Aadanaha, maadaama ay si bareer ah u toogteen rayid ku sugnaa deegaanno katirsan Gobolka Gedo.

Isha- Capital FM    /  Axadle.