#Ciidamada DFS oo Howlgalo ka wada Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

4

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiininayo ammaanka ka wada Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.

Taliyaha Ururka 35-aad Guutadda 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl Maxamed Caraaye “Foofoo” ayaa warbaahinta u sheegay in howl-galkaasi uu ku wajahnaa la dagaallanka Al-Shabaab iyo sifeynta Kooxo Burcad ah oo dhibaateeya Dadka Waddada ku safraya , iyaga oo kulabisan direyska Ciidanka.

Dadka Shacabka ah ee ku nool degaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba ayuu sheegay Taliyuhu in ay la leeyihiin xiriir wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la leennahay xiriir aad iyo aad u wanaagsan, sida aad la socoto Shacabku waxa ay ku jireen dhibaatooyin fara badan oo uu Al-Shabaab u geystay, sida Xoolaha oo laga qaato, Beerahooda oo layska tacbado, sida la doono oo laga yeesho” ayuu yiri taliyuhu.

Col; Caraaye ayaa sheegay inay taasi u fududeystay kala war qaadasho iyaga iyo shacabka h, iyagoo ogaaday halka ay ku sugan yihiin iyo goobaha ay iska soo abaabulaan, wuxuuna sheegay inay Ciidanku Dadkaasi u fidiyaan gargaar Bini-aaddannimo.

Taliye, Caraaye, ayaa intaa raaciyay in ammaanka waddada uu aad usoo hagaagayo tan iyo intii ay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Burcadda kale ka billowdeen halkaas, imikana laysku halleyn karo.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More