Ciidamada DFS oo howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo. –

Ciidamada ammaanka DFS ayaa howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii ay heleen macluumaad dhanka amniga ah, waxa ay xireen waddooyinka degmada inta howlgalkooda uu socday.

Askarta ayaa galay meelo gaar ah oo bartilmaameedka howlgalku ahaa, waxa ay baaris kula dhaqaaqeen Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & Dadka la socda sida Goobjoogayaal la hadlay Axadle ay xaqiijiyeen.

Cabdulqaadir Xuseen Ibraahim taliyaha Nabadsugidda Degmada Baladxaawo oo hoggaaminayay howlgalkaas ayaa ku tilmaamay mid looga hortagayay falalka amni darro iyo weerarada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in Ciidamada ammaanka mas’uuliyadda ay ka saaran tahay sugidda amniga, isaga oo wada-shaqeyn ka dalbaday dadka Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo DG Jubbaland.

DFS ayaa Degmada Baladxaawo geysay Ciidamo dheeraad ah oo lagu biiriyay Askartii horay ay u geysay Degmadaas si ay ugu howlgalaan, halka Ciidamada sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo kawadaan duleedka Magaaladaas.

Axadle.