Ciidamada DFS & koox hubaysan oo ku sugan Muqdisho

Waxaa saakay degan xaaladda degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa Axadle u sheegay in xilliga uu dagaalku socday aysan jirin dhaq dhaqaaq badan oo dadka shacabka ah, iyagoo intaa ku daray in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Muddo kadib, ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sameeyeen baaritaan ay ku baadi goobayeen shaqsiyaad looga shakisan yahay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday xaruntooda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan oo Axadle ah.

Hay’adaha amniga dowladda ayaan wali ka hadlin khasaaraha ka dhashay, natiijada ka soo baxday howlgalkooda & baafinta ay sameeyeen si ay ugu daba galaan kooxaha weerarka soo qaaday.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More