Ciidamada DF oo dagaal kula wareegay deegaan hoostaga Dhuusa…

Dhuusamareeb (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Axadle Galmudug.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha deegaanka, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana jira cabsi laga muujinayo inay dagaal rogaal celis ah soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo dhinaca Al-Shabaab kaso baxay oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku hayaan deegaanada Galmudug oo ay ugu horreyso Axadle maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More