Xoogaga Danab oo howl-gal qorsheysan ku dilay Nuux Dhagool…

Afgooye (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka lacag uruurinta, sida uu hadalka u dhigay.

Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa sidoo kale xusay inuu howl-galkooda uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, inta laga saaro Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guullaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, waxaa gobolkan si weyn ugu xoogan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo culus kasoo abaabula deegaanada ay ka maamulaan Sh/ Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More