#Ciidamada AMISOM oo gabi ahaan faarujiyay Kuliyadda Jaalle Siyaad

5

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM aya gebi ahaanba saakay waxa ay isaga guureen Xarunta Kuliyaddii hore ee jaalle Siyaad halkaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa  Burundi ay mudo tobanaan sano ah fariisin u aheyd.

Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Kuliyadda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan  Yariisow,taliyaha Xooga Indha-qarshe iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Madax kale,waxaana munaasabadaas dowladda Soomaaliya lagula wareejiyey Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in kuliyadan sideedii hore  lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kuuliyadda Jaale Siyaad oo la dhisay 1975tii ayaa lagu tababari jiray saraakiisha ciidammada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda,waxaana ka bixitaanka AMISOM kadib lagu wareejiyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More