#Ciidamada Amaanka oo Howlgalo ka wado Degmada Afgooye

3

- Advertisement -

Wararka Saaka laga helayo Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

- Advertisement -

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in saakay uu socdo baaritaano guri guri ah oo ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana.

Baaritaano ayaa salka ku hayo, kadib markii maalmihii dambe ay degmada afgooye ka dhacayeen dilalka qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More