#Ciidaanka Xoga Dalka Soomaaliya oo Qarajiyey xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

35,579

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 16 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la dilay markii ciidamada Soomaaliya ay weerareen goobo ay maamusho kooxdaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay shaaciyeen in gulufka uu Axadii ka dhacay tuulooyin ku dhow degaanka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in khasaaraha dhimashadda uu intaasi ka badan karo.

“Guutada 66aad oo howlgalo rondo ah ku jiray waxay maanta howlgal kadis ah ay ku dileen 16 kamid ahaa argagixisadda, hareeraha Awdheegle,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ay aragtey saxafadda.

Arbacadii ayay ahayd markii afar ka tirsanaa Al-Shabaab la khaarijiyey markii milatariga uu ekeeyay saldhig ay xoogaga ku lahaayeen isla Awdheegle.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada dowladda oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Talaadadii ayay ahayd markii Ciidanka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Awdheegle, taasi oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More