#Ceerigaabo: Rabshado ka socda Gudaha Magaalada iyo dagaal ka socda bannaankeeda

14,601

Warar ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Maamulka gooni isku taaga ah iyo jabhadda Col. Caarre uu haatan ka socdo degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 km dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan jabhadda Caarre oo ka yimid dhinaca magaalada Qardho kuna sii jeeday buuraleyda Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Warar laga helayo degaanka ayaa sheegaya in dagaalku yahey mid culus uuna u dhexeeyo ciidanka Maamulka gooni isku taaga ah iyo jabhadda Caarre oo diidan in ciidanka Maamulka gooni isku taaga ah ay dhufays ka helaan buuraleyda dhanka waqooyi ee magaalada Ceerigaabo halkaasi oo Col. Caarre ciidamo ka amar qaata ay joogaan.

Dadka ku nool tuulooyinka Dhoob iyo Biya-guduud ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan hubka culus oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degaanka Dhoob.

Dhinaca kale muddaraadyo rabshado wata ayaa hadda ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaana sawirro laga soo qaaday muujinayan shacab dhagxaan ku xiraya qaar kamid ah waddooyinka degmadaas.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More