Cabdiwali Turmaag ayaa 5 caruur ah ku dilay hoobiye lagu weeraray gurigiisa! – Axadle

Dagaalkii ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sababay dhimashada dad badan iyo dhaawaca tiro kale.

- Advertisement 1 -

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacday guri ku yaal degmada Balad Xaawo, waxaana ku dhintay shan carruur ah, halka aabbahood, Cabdiweli Turmaag Maxamed uu ka badbaaday.

Isgaarsiinta ayaa hakad gashay, magaalada waxaa hareeyay madaafiic ay ridayaan dhinacyada dagaalamaya, halka gudaha laga maqlayo hubka fudud, qoryaha darandooriga u dhaca iyo madaafiicda garbaha laga rido.

Qoysaskii ku noolaa magaalada ayaa badankood xalay ka barakacay degmada, kadib markii dhinacyadii dagaalamay ay sameeyeen abaabul iyo dhaq dhaqaaq saacadihii la soo dhaafay.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay hoobiyeyaal is xigxigay oo ka dhacay magaalada Mandheera.

Dowladda Federaalka & DG Jubbaland waxay sheeganayaan guul iyo gacan ku haynta Degmada Balad Xaawo, iyagoo qaadanaya mas’uuliyadda khasaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More