Cabdiraxmaan Cabdishakuur:-Beesha Caalamku waxa ay ‘u durbaan

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ka tirsan Golaha Musharraxiinta madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay garab taagan tahay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhadaay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

- Advertisement 1 -

“Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn” ayuu yiri Hoggaamiyaha Wadajir.

“Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday, waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka” ayuu hadalkiisa raaciyay

Siyaasigan ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray madaxweynaha mudo xilleedkiisu dhamaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir ka tirsan Golaha Musharraxiinta madaxweynaha oo ka hadlaya shirka Jara’id Muqdisho Taariikh Feb 22-2021, Sawirka(Axadle Media/Mohamed Oways Ali)

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More