Cabdikariin Axmed Mooge oo loo doortay duqa Hargeysa – Caasi…

Hargeysa (Axadle) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa saaka doortay maayar cusub, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Golaha wakiilada ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani.

Mooge ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Gobaladda Waqooyi, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Doorashada ayaa aheyd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee Axadle Gobaladda Waqooyi.

Doorashadan oo gacan taag aheyd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Gobaladda Waqooyi, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo deegaanada Gobaladda Waqooyi ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada duqa cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, Gobaladda Waqooyi ayaa waxaa 31-kii bishii May ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay taan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More