Burburka shirkii Mareykanka-Taliban oo huriyey colaada Afghanistan

21,488

Mareykanka – Khilaafkii Trump iyo la taliyihiisii amniga ee sababey in John Bolton uu ka tago Aqalka Cad. Ayaa timid markii isku fahmi waayeen shir uu madaxweyne Mareykanka Camp David kula qaadan lahaa hogaanka Taliban.

Bolton ayaa sidoo kale siyaasada iyo qaabka loo wajahayo wadahadalka Taliban. Waxay isku khilaafeen Xoghayaha arimaha dibadda, Mike Pompeo.

Ergayga Washington ee Zalmay Khalilzad ayaa hogaaminayey wada xajaoodka oo asbuucyadii la soo dhaafey ka socday dalka Qatar.

Wadahadalka Mareykanka iyo Taliban oo suurtagal ah in dib loo soo nooleeyo. Ayaa hadana maalmihii ugu dambeeyey waxaa aad u xoogsadey weerarada labada dhinac isku qaadayaan.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in waddanka Afghanistan uu wajaho rabashadihii ugu badnaa tan iyo intii uu bilowdey dagaalka sokeeye.

Boqolaal qof oo shacabka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku naf-waayeen. Weeraro qaraxyo wata oo Taliban fulisay kadib burburkii shirkaas.

Dhinaca kale, weerarada cirka Mareykanku ku qaadey Taliban ayaa kor u kacey 60%, sida laga soo xigtey hay’adaha UN. Rayid ayaa kamid dadka wax ku noqday gulufyaddan.

Iyadda oo biyo qabow lagu shubay wada xaajoodka, waxaa diiradda la saarayaa doorashada madaxtinimda, oo madaxweyne Ashraf Ghani damacsan yahay in la qabto 28-ka September xili aysan jirin xabad joojinta Taliban.

“Maleeshiyaadka Taliban oo wadahadal kula jirey Mareykanka ayaa hadana xasuuq ba’an u gaysanayey shacabka iyagoo adeegsanaya weeraro qaraxyo wata,” sidaas waxaa yiri diplomaasi Afghanistani ah.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More