Britain oo qorsheneysa in ay Saldhig Milatari ka furato Somali-land

4

- Advertisement -

Kadib Safar aan horay loo shaacin markii uu magaalada Hargeysa ku tagey Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain,Gavin Williamson, ayaa waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in Dowlada Britain ay qorsheneyso in Saldhig Milatari ay ka furato Deegaanada Somali-land

- Advertisement -

Xoghayaha Difaaca ee Britain,Gavin Williamson, oo uu Kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Sarakiisha Ciidamada Somali-land ayaan waxa ay kawada hadleen xiriir Britain iyo Somali-land & Saldhiga Milatari oo Britain ay ka furaneyso dhulka Somali-land.

Britain horey u gumeysan jirtay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo hada loo yaqaan Somaali-land goor horana ku dhawaaqay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale , ayaa waxa arrinta fursad ay aqoonsi ku heli karto u arka Maamulka Somaliland.

Warar ayaa waxay sheegayaan inay Britain doonayso inay  Saldhig Milliteri ku yeeshaan Geeska Afrika, wuxuuna Socdaalka Xoghayaha Difaaca  Britain, Gavin Williamson ku tegay Somaliland ku soo beegantay hal isbuuc kadib, markii uu sheegay inay Britain doonayso inay Saldhigyo Milliteri oo cusub ka dhistaan dalalka Caalamka, marka ay Britain ka baxdo Ururka Midowga Europe.

Ayadoo uu jiro qorshaha Dowlada Britain, ayaa waxa Dowladda Raashiya bishii April ee sannadkii hore shaacisay hamigooda ku aadan inay Saldhig Ciiddanka Badda ah ka dhistaan magaalladda Saylac ee Somaliland.

Wafdi Raashiyaan ayaa la kulmay Maamulka Somaliland, si loo hirgeliyo Saldhigaasi oo la dejin doono 1,500 Askar Raashiyaan ah, si ay taageero u siiyaan Maraakiibta Dagalaka iyo Gujisyadda Raashiya eek a hawl-gala Badda Geeska Afrika.

Britain ayaa noqoneysa Dowladii saddexaad oo damacsan in ay Saldhig milatari ku yeeshaan Somali-land ayadoo halkaas ay hada Saldhig ku leeyihin Imaaraadka Carabta kaasoo dhismihiisa uu wali socdo.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More