Booqasho uu RW Rooble ku tagay isbitaalo oo loo xiray

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka,Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowzia Abiikar Noor iyo agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo Axada maanta ah booqday qaar ka mid ah Isbitaaladda Caasimadda ayaa loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan magaaladda hogaamiyayaasha wadanka ee Muqdisho.

Mr Rooble ayaa la sheegay in uu u kuurgalayey adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed Isbitaaladda ay dowladdu maamusho, “maadaama Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay soo celinta adeegyadii caafimaadka dadweynaha”.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa lagu soo bandhigay magacyadda qaar kamid ah isbitaalada uu indha-indheeyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Maamulka Isbitaallada Martiini, Banaadir iyo Yardimeeli ayaa warbixin faah-faahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha adeegyada caafimaad ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caqabadaha jira ee ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso” ayaa lagu yiri qoraal uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Isbitaallada Dowladda ee Martiini iyo Banaadir ayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo gobollada dalka waxa ay ka helaan adeegyo bilaash ah, wuxuna xusay Ra’iisul Wasaare Rooble in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayaynta adeegga caafimaad ee laga helo xarumahan” ayaa la raaciyay qoraalka Xafiiska wasiirka 1 aad.

Socdalkan oo ahaa midkii ugu horeeyay oo uu Rooble kaga soo baxo Madaxtooyada isla markaana soo aado qaybaha magaala hogaamiyayaasha tan iyo markii la magacaabay 17-kii September ee sanadkan 2020 ayaa loo xiray wadooyinka muhiim-ka ah ee Caasimadda.

Waddooyinka waaweyn ee caasimada oo ay ka midyihiin wadada mashquulka badan ee Maka Almukaram & Waddada hormarta Dekedda Muqdisho waxaa lagu jaray Gawaarida dagaalka, dhagaxaan iyo biro ay dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana ujeedka loo xiray lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu tagayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More