Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa howlgal wadajir ah ka wada magaalada Gaalkacyo

Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyay magaalada Gaalkacyo. waa magaalo xarumeedka gobolka Mudug. Booliisku waxay tan u sameeyaan si loo sugo amniga, loola dagaallamo mukhaadaraadka iyo kooxaha habeenkii dhaca.

Koonfurta Gaalkacayo waxaa maamusha dowlad goboleedka Galmudug halka maamul goboleedka Puntland laga maamulo waqooyiga, waxaana jira heshiis u dhexeeya wasaaradaha amniga ee labada dowladood oo ah iskaashi.

Taliye ku xigeenada qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa howlgalka kadib sheegay inay ka hortageen xasilooni darada magaalada Gaalkacyo.

Dadku waxay ka rabaan taliyeyaasha inay gacmaha isula shaqeeyaan booliska labada gobol, si loo joojiyo dilalka iyo dhaca ka dhaca gobollada.

Kulan ay si wada jir ah ugu yeesheen magaalada Gaalkacyo booliska galmudug iyo puntland ayaa lagu soo gabagabeeyay in ay xoojiyaan howlahooda inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee ramadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More