Booliska iyo dablay maanta ku dagaalamay Magaladda Laascaanood

85,532

Wararka ka imaanaya Magalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ayaa sheegaya in maanta halkaasi is rasaasayn ku dhexmartay. Ciidanka Amaanka Magaalada iyo dablay ka caraysan. Duminta guriyo wasaarada Howlaha Guud ee Maamulka Somaliland amartay in la dumiyo.

Wasarada hawlaha guud ee Maamulka Somali-land. Faraceeda Magalada Laascanod aya saka bilowday duminta iyo bur burinta guryo lagu sheegay. In ay ku yaalen mel wado ah oo larabay in wado laga dhiso sida dadka deegaanku Xaqiijinayaan.

Balse daqiiqado ka dib waxa bilaawday. Gacan kahadal iyo israsas dhexmartey ciidamada Booliska Somali-land ee ku sugnaa goobta laga duminaayay guryaha sharci darada ahaa iyo dablay la sheegay in ay lahaayeen guryaha laduminayo waxaana gudaha Magaalada la maqlay rasaas Xoogan oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Waxaa jira Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac. Walow aan la Xaqiijin Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahey. Walina is hor fadhiyaan Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Waxaa istaagay howlaha burburinta Guryaha oo ay waday wasaarada Guryeynta iyo Howlaha Guud ee Maamulka Somali-land oo ka socoda degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Somali-land ayaa la geeyay goobaha ay wasaarada Howlaha Guud ee Somali-land amartay in la burburiyo Guryaha ku yaala sida Saxafadda u sheegeen dadka deegaanka.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More