Biixi oo cafiyay Ciidanka Korneyl Caarre isagana shuruud ku xiray

24,718

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis madaxweyne u fidiyay Ciidamada ka bar bar dagaallama Korneyl Siciid Cawil Caarre oo ah hoggaamiye ku kacsan Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyada maagaalada Hargeysa maanta kulan kula qaatay Odayaasha Beesha uu ka soo jeedo Caarre.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu cafiyay Ciidamada la safan Korneylka hayeeshee korneylka ay tahay in isaga uu dalbado cafis madaxweyne.

Korneyl Caarre iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa sanadihii ugu dambeeyay Somaliland kula dagaallamayay Gobolka Sanaag.

Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sanaag ayaa muddo ku howlanaa dhex dhexaadinta labada dhinac waxaana ay xoogeysatay markii Ciidamada Somaliland iyo kuwa Caarre ku dagaallameen duleedka Xarunta Gobolka Sanaad ee Ceerigaabo.

Caarre oo dhowr jeer ka hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu caddaalad darro ka tirsanayo Somaliland sidaasna uga baxay ciidankeeda dagaalkana u billaabay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More