#Biixi oo Ay Mar Kale Dhirbaaxo Siyaasadeen Ay Kaga Dhcadey Sacuudiga

36,317

Dawlada sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday inaanay sanadkan arimo siyaasadeed kala hadlayn madaxda wadamada islaamka ee u yimid gudashada waajibaadka xajka.

Amiirka mandaqada Makkah Al-Mukarama ee wadanka sucuudiga Amiir Khalid Binu Faysal Binu Cabdulcasiis Al Sucuud oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in masuuliyiinta dawladu aanay wax siyaasad ku saabsan kala hadlay madaxda wadamada islaamka ee sanadkan u yimid gudashada waajibaadka xajka.

Amiir Khalid oo ka hadlaya go’aanka dawlada sucuudiga ayaa waxa uu yidhi “Walaalaha hogaamiyayaasha dalalka Islaamka ah ee u yimid Sacuudi Arabiya gudashada waajibaadka cibaadada xajka, socdaalkoodu intaasi ayuu ku egyahay” ayuu yidhi Amiir Khalid.

Sidoo kale Amiir Khalid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ” Siyaasad ahaan Sacuudi Arabiya waa ka mamnuuc in qisdiga xajka lagu dhex walaaqo arrimo siyaasadeed”.

Go’aankan ay dawlada sucuudigu qaadatay ayaa meesha ka saaraya suurta galnimada kulan dhexmari kara madaxda sucuudiga iyo madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo horay u sheegay in uu la kulmi doono madaxda Sacuudiga

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More