Biden ayaa cunaqabateyntii ka qaaday Dalal uu Trump Saarey

Hogaamiyaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, oo xafiiska la wareegaya Arbacada, ayaa la ogyahay inuu ka shaqeynayo sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa waddamada uu Trump ka mamnuucay muwaadiniintiisa inay safraan.

- Advertisement 1 -

Joe oo ah wakiilka siyaasada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa damacsan in uu xariga ka jaro dhamaan xiriirkii siyaasadeed ee uu lahaan jiray madaxweynihii hore ee Jamhuuriga oo cunaqabateyn saaray wadamada qaar.

Ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha la wareegay xafiiska saddex maalmood ka dib markii uu xafiiska la wareegay ayaa Sabahi u sheegay in Biden uu damacsan yahay in uu tallaabadaas qaado, in kasta oo ayan sheegin in uu gebi ahaanba meesha ka saarayo ama in uu dooranayo.

Liiska dalalka uu Donald Trump ka mamnuucay u safarka Mareykanka waa Iiraan, Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Suudaan, Liibiya & Yemen, wuxuuna cusbooneysiiyay cunaqabateynta uu saaray dalalka kor ku xusan.

Hogaamiyaha todobaadkan la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa aad u daneynaya inuu wax ka badalo hanaanka siyaasada dalkiisa isla markaana uu badalo go’aanadii madaxweynihii isaga ka horeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More