Bayaanka IGAD lama sheegin

Hogaamiyaasha urur goboleedka IGAD ayaa soo saaray bayaan ay ku soo koobayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti.

Kulankan wuxuu ahaa qodobo aan caadi aheyn oo looga hadlay waxaa kamid ah arimaha xubnaha ururada qaranka sida Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Soomaaliya iyo faafa aduunka oo diirada lagu saaray.

Si kastaba ha ahaatee, bayaanka laguma sheegin meel ay saraakiishu sheegeen khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya way iska difaacday eedeymaha loo soo jeediyay.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana diirada lagu saarayaa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey shirka ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay deg deg in loo xaliyo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More