#Axmed Madoobe oo Guddoomiye u magacaabay Gobolka Jubbada Dhaxe

1

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Jubbada Dhaxe.

- Advertisement -

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Haajir Bile Sugaal Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay Gobolka Jubbada Dhexe.

Gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah Gobolada Maamulka Jubbada ayaa intiisa badan waxaa Maamula ama Gacanta ku haya Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya

Magacaabista Madaxweynaha Jubbaland Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ay dabasocata xilli uu jiro dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland kaas oo midba midka kale ku doonayo in uu Gacanta ku dhigo Gobolkaas.

Go’aanka uu Axmed Madoobe ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Jubada Dhaxe ayaa waxa muujineysa in Ciidamada Dowlada iyo kuwa jubaland  dulaan ku yihiin Gobolkaas.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareegtada-Axmed-Madoobe.pdf”]

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More