Axmed Madoobe: Doorasho kama dhagayso Gedo inta ciidanka

Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi .

Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay arimaha doorashooyinka, amaanka iyo xaallada Gobolka.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay in iyadoo Jubaland la hoos gayn maamulka Gobolka Gedo ,Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin aysan ka dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbogaareey.

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir maamulkiisa.

MadaxweynahaJubbaland ayaa sidoo kale  bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka Degmada Afmadow isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo

Hogaamiyaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka sida uu hadalka u dhigay.

Madoobe waxa uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda, Isaga oo intaas ku daray in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo ay tahay waxa ilaa hada uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hada ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More