#Askarigii dila qof shacab ah Waxaa lala xiri doono qofkii uu waardiyaha u ahaa

4,590

- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Askarta dilalka ka geysta Muqdisho aan Cadaaladda la horgeyn doonin Kaligood.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa sheegay in Askarta Cadeysatay in Dadka Ra’idka ah ay dilaan kadibna ay baxsadaan aysan mar dambe dhici doonin,waxa uuna taliyaha sheegay in Askarigii dila qof shacab ah lala xiri doono qofkii uu waraadiyaha u ahaa ama Mas’uul ka ah Askartaasi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Askarigii shalay dilka geystay uu baxsaday,isla markaana hadda badalkiisa ay xiran yihiin Taliyihiisi iyo qofkii Mas’uulka ka ahaa xiligii uu qoranayay Booliska.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay Magaca Askarigii dilka geystay ee baxsaday in lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Cumar.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa Shacabka ku nool Muqdisho ka codsaday iney garab ku siyaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi la hayeen Askarigii dilka ka dambeeyay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More