#Askari Uganda u dhashay oo Meydkiisa laga helay Muqdisho

12,352

Sarkaal ka tirsanaa Booliska AMISOM eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka degganaa Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Edward Bagonza, ayaa ka mid ahaa kaaliyayaasha Taliyaha Booliska AMISOM ee Soomaaliya,waxaana meydkiisa laga helay hoygii uu ka degganaa Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM gaar ahaanna qeybta Booliska sarkaal u hadlay oo lagu magacaabo Grace Turyagumanawe, xaqiijiyay in sabtigii laga helay Guriga uu ka degganaa Xerada Xalane ee Muqdisho.

Sarkaalka warbixintan bixiyay ma sheegin sababta iyo waxa ka dambeeyay geerida sarkaalka sare ee u dhashay Dalka Uganda kana mid ahaa Booliska AMISOM ee Soomaaliya.

Boollska AMISOM ayaa sheegay in aaska Sarkaalkaas ay qaban qaabinayaan madaxda sare ee AMISOM iyada oo aan wax faah faahin ah laga bixin waxa sababay dhimashadiisa.

Saraakiisha Booliska Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa dhowr jeer oo hore waayay saraakiil kala duwan kaddib markii ay uga dhinteen dagaallo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose oo ay la galeen Al-shabaab.

Sanadkii 2017kii Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in 12 Askari uga dhinteen weerar ka dhacay Soomaaliya islamarkaana ay geysteen AL-shabaab.

Isha:pmldaily.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More