#Askari Somali-Maraykan ah oo loo haysto dilka haweeney Australian ah

2

- Advertisement -

Mogadishu(AxadleTM)— Askari ka tirsan ciidamada Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa toogasho ku diley haweeney u dhalatay wadanka Australia xilli ay taleefan ugu sheegtay ciidamada Booliska inay halis dareentay.

- Advertisement -

Askariga dilka geystey ayaa la sheegay in uu yahay muwaadin Somali-Maraykan ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur. Askarigan ka tirsanaa ciidamada Booliska Maraykanka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Nuur ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Ms Damon doo 40 jir ah,afaafka hore ee gurigeeda xilli saq dhexe ay ahayd. Qareenka Maxamed Nuur ayaa qiray in uu rasaasta dishey Ms Damond ay ka dhacday qoriga Maxamed Nuur.

Askarigan ayaa shaqadii laga fariisiyay waxaana la sheegay in saraakiisha dambi baarista ay baarayaan sida uu u dhacay falkan. Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska magaalada Minneapolis tan iyo sanadkii 2015kii,waxana uu haystaa shahaadooyinka dhinaca maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha isagoo ka qalin jebiyay Augsburg College.

Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horeeyay oo Somali-Maraykan ah oo ka mid noqdo ciidamada Booliska Minnieapolis.Waxana la sheegay in xilligii uu ku soo biirayay ciidamada Booliska guddoomiyaha magaalada Minneapolis uu aad u amaanay kamid noqoshadiisa ciidamada Booliska Maraykanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Nuur iyo askari kale oo la socday ay u soo gurmadeen haweeneydan u dhalatay dalka Australia balse haatan qorsheyneysay in ay ku noolaato dalka Maraykanka iyadoo xiriir uu ka dhexeeyay muwaadin Maraykan ah kadib markii ay u yeeratay booliska maadaama ay cabsi dareentay.

Hase yeeshee labadii askari oo saarnaa gaari ayaa mid kamid ah oo la sheegay inuu ahaa Maxamed Nuur uu rasaas ku ridey haweeneydan isagoon hubsan balse lama oga sida uu sharciga Maraykanku ka yeeli doono.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa toogasho ku diley dalka Maraykanka sanadihii la soo dhaafay dhalinyaro madow ah kuwaasoo intooda badan la sii daayay kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More