Aqriso: Sabab yaab-leh oo loo eryey tababarihii Xulka Qarank…

Muqdisho (Caasimada Oline) – Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in gabi ahaanba shaqada laga eryey tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, wuxuuna xilkan hayey wax ka yar saddex todobaad.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in tababare Cabdellatif Salef uu ku kacay aflagaado ka dhan ah ciyaartoyda Soomaaliyeed, oo haatan tababar ku qaadanaya wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale xiriirka kubadda cagta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tababarahaN ajnabiga ah uu si xun ula dhaqmay ciyaatoyda muddadii yareyd ee uu hayey xilka.

“Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wuxuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qabtay xilka xulka, mana uusan laheyn dhaqan wanaagsan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Somalia.

Wareegtada kasoo baxday xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciyaartoyda Soomaaliyeed, gaar ahaan xulka qaranka aysan ku farxsaneyn tababaraha la eyriyey, oo uu xiriirku shaaciyey in uusan laheyn xirfad iyo khibrad ku filan.

“Ciyaartoydu kuma faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba aysan aheyn kuwa gaarsiisan heerka xulka, halka aanu xitaa la imaan qorshe tababar”

Go’aanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xulka qaranka dalkeena uu isku diyaarinayo ciyaaraha Carabta ee ka dhacaya Qatar.

Si kastaba horey ayaa waxaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed si weyn loogu dhaliilay  shaqaaleysiinta tababaraha la eryey, maadaama ay joogataan tababareyaal Soomaali ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More