Antonio Guterres oo Xalka wax looga qaban karo Musiibooyinka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

13-ka Oktoobar, waxaa loo aqoonsanaa maalinta caalamiga ah ee dhimista musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana lasoo bandhigaa waddamada ugu badan ee wajahay halista iyo kuwa la saadaainayo in ay ku jiraan xaalad khatar ah!

Saameynta ugu badan musiibadu waxaa dareema dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa wajahaya xaaladda soo kabashada, Aafooyinka dagaalka iyo musiibooyinka kale ee qaar aadanuhu uu sababta u yahay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu uga hadlay qaabka ay la tahay in looga gudbi karo caqabadaas, qorshaha lagu taageeri karo waddamada heerka hooseeya iyo qodobo kale.

Musiibadu waa waxa ugu badan ee dadka ka barakiciya ama Qaxootinimada ku qasba, sababtu waa in aysan lahayn awood kale oo ay isaga celiyaan dhibkaas halkii ay doorbidi lahayaeen in ay isaga tagaan dhulkooda.

Guterres ayaa ku af-qabsaday xannuunka Covid-19 oo dhammaadkii sanadkii tagay kasoo ifbaxay wadanka Shiinaha, balse dunida inteeda kale isaga kala gudbay saddexdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2020.

“Cudurka faafa ee ‘Covid-19’ wuxuu keenay feejignaan hor leh oo ku saabsan muhiimada xoojinta yareynta halista musiibada. Wadamo badan waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin badan. Waan arki doonaa inbadan oo tan ah. Dhacdooyinka cimilada ee aadka u daran ayaa si aad ah kor ugu kacay labaatankii sano ee la soo dhaafay. Hase yeeshe, waxa aan ku aragnay horumar yar xagga yareynta carqaladeynta cimilada iyo nabaad-guurka deegaanka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee QM.

Waa uu sii hadlay waxaana uu dul istaagay qorshaha loo baahan yahay in la dajiyo si looga badbaado musiibooyinka muuqda iyo kuwa lasii saadaalinayo, maadaama nolosha dad badan dhibaatadu gaareyso.

“Xaaladda xun waxa ay kasii daraysaa iyada oo aan la helin hab maamul halista musiibooyinka wanaagsan. Khatarta musiibada ma ahan mas’uuliyadda kaliya ee hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa qarankaba ayaa laga doonayaa in ay dadaalaan. Covid-19 wuxuu na tusiyey in halista nidaamku u baahan tahay iskaashi caalami ah” ayuu yiri Antonio Guterres.

Hal ku dhigga sanadkaan waa iskaashiga iyo xoojinta wada-shaeynta si loo awoodo Dhimista Musiibooyinka Dabiiciga ah si loo dhiso adduun aamin ah oo adkeysi badan, kana hortagi kara halista.

Waddamo ay kamid tahay Soomaaliya waa kuwa ugu badan ee wajaha dhibaatooyinka dabiiciga ah sida abaarta, fatahaadda, daadadka roobka iyo kuwo kale, waxaana intaas usii dheer musiibooyinka aadanaha uu gacantiisa ku sababsado sida dagaallada.

Axadle.