#Amison “Waxaa kala saari la’nahay Shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab”

0 4

Mogadishu (AxadleTM)— Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay inay dhowaan bilaabayaan howl gal la isugu furayo waddooyinka deegaanada gobolada dalka ee horay looga saaray Al-Shabaab.

Jen. Subagle oo ka hadlayay kulan tababar loogu furayay Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in xilligan 89% ay xor yihiin magaalooyinka gobolad adalka, hase ahaatee waddooyinkii isku xiri lahaa ay xiran yihiin.

“89 magaalooyinka waa xor, dariiqyadii isku xiri lahaa ayaa xiran, tusaale ahaan Jowhar iyo Jalalaqsi oo kale ma furna, Buulo Burde iyo Jalalaqsi sidoo kale, eedaas anaga qeyb ayaa ku leenahay umadda Soomaaliyeed qeyb ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Jen. Subagle.

Waxaa uu sheegay inay la dagaalamayaan cadaw soomaali u eg, Afsoomalai ku hadla, dhulkana yaqaana, isagoo xusay inay haatan kala saari la’yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Al-Shabaab, taasna ay keentay in howl galka AMISOM uu dheeraado.

“Waxaa la dagaalameynaa cadaw soomaali u eg, afsoomaali ku hadla, Soomaali inta badan u dhashay dhulka jooga, waxaa kala saari la’nahay shacabka soomaaliyeed iyo alshabaab, waddooyinka la furayo intee qiimo nagu joogana safar kasta 20 qof hadaad dirto, waxaa suura gal ah 19 ayaa dirqi ku tagto deegaanka, marka amarka ceynkaas aad siineys nin ajnabi isagoo nool yimid, isagoo meydna la celinayo, dhibaato weyn ayay nagu heysaa, waa tan keentay 10 sano inaan joogno halkan, bal aan isku noqono, dagaalka anaga kaliya aan ku jirno ma ahan, shacabka waa inay gacan nagu siiyaan”ayuu yiri Jen. Subagle.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo jidka u gala kolonyada ciidamada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More