Amar culus oo la dul-dhigay gaadiidka madaxda iyo kuwa shaca…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar cusub kusoo rogay dhamaan Gaadiidka ka dhex shaqeeya Caasimadda Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee lagu dhex wato gudaha axadle.

Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee gobolka ayaa faray in gaadiidka kuwa garka loo leeyahay iyo kuwa Madaxda ay wataan in loo sameeynayo Sharciga gaadiidka, sida Buuga iyo Aqoonsiga Darawalnimo.

Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in arrintaan ay u sameynayaan sidii kor ugu qaadi lahaayeen amaanka Axadle iyo bad-qabka waddo marista.

Sidoo kale waxa uu xusay inay u qorsheysan tahay in wadooyinka Caasimadda Muqdisho ay keenaan Ciidamo dheeraad ah oo xirfad u leh marista wadooyinka oo muddooyinkii ay shilalka kusoo bateen.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in shilalka Gaadiidka ay kusoo bateen Caasimadda Muqdisho, isagoona carabka ku adkeeyay in qof walba oo Gaari ku dhex wata magaalada ay ka qaadi doonaan imtixaan, si buu yiri loo hubiyo darawalnimadiisa.

Amarkaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili Caasimadda Muqdisho ee Axadle dalka laga dareemayo saxmad fara-badan oo dhanka wado marista, islamarkaana ay xiran yihiin waddooyin muhiim ah, halka kuwo kalena uu ka muuqdo bur-bur baahsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More