Alshabaab Ka Baxsaday Saldhiga Booliska Waaberi Oo Uu Ku Xirnaa

25,509

Nin ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Ayaa ka baxsaday Saldhiga Degmada Waaberi Ee Gobolka Banaadir. Halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xirnaa.

Ninkan ayaa waxaa la soo sheegaya. In fiidnimadii xalay uu qoriga kula dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada ee Saldhiga Degmada Waaberi. Wax yar ka dibna ay u suurta-gashay in uu saldhigaasi ka baxsado.

Wararka ayaa sheegaya in askari kale oo ka tirsan ilaalada saldhiga uu rasaas ka daba riday ninkaasi. Hase ahaatee kama aanay joojin in uu horey u sii wato baxsashadiisa.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi, Maxamed Cabdiqaadir ayaa la sheegay in saldhiga uu ka maqnaa xilligii uu falkaasi dhacaayay.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in Taliyuhu uu saldhiga soo gaaray daqiiqado ka dib, markii uu ninkaasi baxsaday, isla-markaana uu aad u cannaantay askartii heeganka ku qorneyd.

Wariye-yaasha ayaa ku waramaya in askarta ilaalisa Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir lagu dhaliilo inaanay feejignaan badan ka muuqan, xilliyada ay shaqada ku guda jiraan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More