Al Shabaab oo sii daaysay 2 dhakhtar oo reer Cuba ah!. –

Dagaalyahana Al-Shabaab ayaa sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya laguna haystay sanad iyo bar gudaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP )in dhakhaatiirtan la sii daayay dhammaadka usbuucaan ka dib wada-xaajood bilo qaatay oo ay la galeen kooxihii afduubay.

Wuu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah. Sarkaalka ayaa dalbaday in aan magaciisa la shaacin sababtoo ah looma ogolaan inuu la hadlo warbaahinta.

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa AP u sheegay in sirdoonka Soomaaliya, oo ku shaqeynaya codsi ka yimid dowladda Cuba, uu kala xaajooday sii deynta dhakhaatiirta ka dib markii ay heleen macluumaad muujinaya iyaga bilo ka hor.

Bruno Rodríguez, wasiirka arrimaha dibedda Cuba, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku xaqiijiyay in uu dowladda Soomaaliya kala hadlay sii daynta dhaqaatiirta, wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya kaalmadeeda. Wuxuu sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Si rasmi ah looma oga halka ay dhakhaatiirtu ku sugnaayihiin.

Rag looga shakisan yahay Al Shabaab ayaa dhakhaatiirta ka qafaashay Gobolka Mandheera ee Kenya xilli ay u socdeen shaqo bishii Abriil 2019, iyagoo dilay mid ka mid ah booliska oo ilaalo u ahaa.

Xilligaas, Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya waxaa lagu tuhmay afduubka. Al Shabaab ayaa wacad ku martay in ay ciqaabi doonto Kenya oo ciidamo soo u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Xoogagga gacan saarka la leh Al qaacida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More