#Al shabaab oo sheegay in ay Dagaal kula wareegeen Deegaanka Goof gaduud

2

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Goof gaduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Al shabaab saaka aroorti ay weerar ku qadeen saldhiga Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur galbeed ku leeyihiin Deegaanka.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Dagalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerr bam gacmeed ku bilawday ku qaadeen Farisiin Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Goof gaduud.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka dhacay Goof gaduud ayadoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Dowlada ay dib uga gurteen.

Dhanka kale Shabaab ayaa sheegtay in dagaal culus dabadeed ay u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Goof Gaduud Buureey oo duleedka kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Waxa ay sheegeen in dagaal qorsheysan ay kusoo qaadeyn saakay aroortii ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamadii xooga iyo kuwo daraawiishta Koonfur Galbeed oo deegaankaasi gacanta ku haayay.

Shabaab ayaa warkaan ku baahiyay mareegta ay wararkooda ku baahiyaan balse ma jirto illo ka madax banaan oo xaqiijinaya in deegaanka Goof Gaduud ay Shabaab la wareegeen.

Shabaab dhankooda ma aysan sheegan hadii uu jiro khasaaro kasoo gaaray dagaalka ay sheegeen in ay kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud Buureey, balse taasi badalkeeda waxa ay ku nuux nuuxsadeyn in khasaaro xoogan ay gasriiyeen cidamada dirirtu dhexmartay ee dowladda.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa sheegay inuu jiro dagaal saaka ka dhacay degaanka Goof-guduud balse faahfaahin kama bixin.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More