#Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Ciidamo Kenya Oo Lagu Laayay Qarax ka Dhacay Gaarisa

78,577

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Kenyan ah ay qarax kula eegteen deegaan ku dhow magaalada Gaarisa ee Gobolka ee Waqooyi Bari Kenya.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa lala eegtay mid kamid ah Gaadiidkii ay wateen Ciidamada, kaasoo sida la soo sheegayo uu bur bur xooggan soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Saddex goosa iyo Amuuma oo u dhow Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, halkaasoo khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Ciidamadii Kenya.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaan wali ka hadal waxa ka jira sheegashada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanka weerarka uu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka wada howlgallo lagu baadi goobayo Kooxdii Miinada wadada ku aastay.

Weerararkan ayaa ku soo aadaya xili dowladda Kenya ay xirtay Xadka Lamu, Saraakiishoodana ay todobaadkan bilowgiisa soo saareen digniin la xiriirta weeraro Shabaab ay ka geysanayaan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More