Al shabaab oo Madaafiic ku garaacay Baardheere

6

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Al Shabaab, ay saakay madaafiic xoogan ku garaacday xaafado ka tirsan Degmada Baardheere , ayadoo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in madaafiicdaasi ay ka soo tuureen duleedyada Degmada Baardheere, iyadoo ugu yaraan shan iyo toban hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha degmada.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa yiri “Madaafiicda intooda badan waxay ku soo kala dhaceen xaafadaha Horseed, Masaba iyo Kurman. Meelo kaloo bannaan inay madaafiic ku dhaceen waan maqalnay, laakiin cid wax ku noqotay malaha.”

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa yiri “Afar qof, oo saddex ka mid ah ay isu qoys yihiin, ayaa ku dhaawacantay madaafiicda ku soo dhacday xaafadda Horseed, hooyadii reerka ayaana ka mid ah dadka dhaawacmay. Qoyskan waa qoyska ganacsade lagu magacaabo Maxamed Nuur.”

Waxaa uu intaa ku daray “Madaafiicda ku dhacday xaafadda Kurmaan waxaa ku dhaawacantay saddex, madaafiicda ku dhacday xaafadda Masaba lama sheegin cid ay waxyeelo ka soo gaartay. Waxaa jira madfac kale oo ku soo dhacay Bartamaha Degmada Baardheere, gaar ahaan inta u dhaxeyso Shirkadaha Dahabshiil iyo Nation Link.”

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi), ayaa isna xaqiijiyay in toddobo qof ku dhaawacantay madaafiicdaasi, isagoo intaa ku daray in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu garaab tahay.

Al Qaadi oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baxeen goobihii madaafiicda laga soo tuuray, isla-markaana ay ku daba jooggan mintidiintii madaafiicdaasi soo tuurtay.

Madaafiicdan, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay bulshada reer Baardheere, kuwaa oo ku sheegaya in saakay ay u ahayd subax adag, oo ay ku waaya bariisteen.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More