#Al shabaab oo Dagaal kula wareegay Deegaan ka tirsan Sh/Dhaxe

2

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degaanka Ceel Muluq oo ka mid ah degaanka hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in dagaal ay saakay aroortii ay ku qaadeen degaankaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayagoo aan faah faahin ka bixin in khasaare ku soo gaaray iyaga.

ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka dowladda Soomaaliya qeybtooda gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan dagaalka iyo waliba la wareegitaanka Shabaab ay sheegteen.

Saaka aroortii Deegaanka  Ceel muluq ee hoos taga Degmada Ceel cade waxaa ku dagaalamay Kooxda loo yaqaan Macawiisleyda iyo Al shabaab.

Mid ka mid ah dadka tuulada Ceel-Muluq ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Koox ka tirsan macaawusleyda dagaalka kula jirtay ay deegaanka soo gaareen,waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in Shabaab Guryo ku yaalla tuulada ay gubeen.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More