Al shabaab oo Abuu Mansuur Cadaadiska ku kordhiyay

1

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa la ogaaday inay kordhiyeen cadaadiska iyo hanjabaada ay ku hayaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ciidamo fara badan ku heysta deegaan ka tirsan Gobolka Bakool.

- Advertisement -

Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan yahay Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dhaq dhaqaaq ciidan ka sameeyay agagaarka deegaan lagu magacaabo Abal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay diyaariyeen ciidamo weerara Abuu Mansuur, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada loo diyaariyay inay weeraraan uu hoggaaminayo Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Galgaduud.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay kooxda ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku heysto ciidamo aad u fara badan oo u dhashay Beeshiisa.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
wanaag@axadletimes.com

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More