#Al-bashiir Oo Loo Dhaadhiciyay Xabsi Uu Siyaasiyiinta Ku Cadaabi Jiray

23,733

- Advertisement -

Dhawr maalmood kadib markii xukunka laga tuuray ayaa habeenimadii xalay Madaxweynihii Sudan Cumar Al Bashiir la dhigay xabdi si wayn loo ilaaliyo oo markii hore uu isagu ku xidhi jiray siyaasiyiinta.

- Advertisement -

ilo wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu xiray xabsiga Kobar, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga halkaasi xilli Al Bashiir kaligiis lagu xiray xabsigaasi.

Xubno ka tirsan qoyska Al Bashiir ayaa xaqiijiyay in lagu xiray xabsiga Kobar oo ah goob uu inta badan uu ku xiray siyaasiyiinta mucaaradka ah markii uu hayay talada.

Hoggaanka militariga waxay sheegeen in Al Bashiir aanan loo dhiibi doonin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC balse lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Suudaan.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More