Ahmiyada Khudbadaha Laga Jeediyey Kulankii midowga Mushariinta

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen midowga Musharaxiinta ayaa lagu qabtay Hoteelka Afrik ee Magaalada Muqdisho Habeenimadii Arbacada. “Barnaamijka Kala Guurka iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka”.

Munaasabadda waxaa ka hadlay musharrixiinta kala ah Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xasan Cali Khayre, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhamaantood u sharaxan xilka madaxtinimada Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ugu horeyn ka hadlay mesha ayaa ku eedeeyay dowladda uu hogaamiyo Hogaamiye Maxamed C / llaahi Farmaajo inay caburin ku hayso shacabka iyo Midowga Musharaxiinta, isagoo tusaale u soo qaatay isu soo bax dhawaan lagu taageerayay  oo ay bajiyeen ciidamada amniga Soomaaliya.

Musharax Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay dhawaan qaban doonaan banaanbaxyo nabadeed wuxuuna sheegay inay u taagan yihiin doorasho dimoqraadi ah oo ka madax banaan dagaal sokeeye.

Ma jiri doono dagaal sokeeye, ma dooneyno kelitalisnimo, doorasho xalaal ah oo aan la ogeyn cid guuleysaneysa ayaanu rabna marka sanduuqa codeynta ku dhacdo. wuxuu sheegay inuu ka digayo talaabo kasta oo horseedi karta in doorashada la dhaco.

Musharaxa madaxweynaha C / raxmaan C / shakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu la safan yahay maamulada qaar, isla markaana uu cadaawad u muujinayo kuwa kale.

C / raxmaan ayaa sheegay in dowladda Hogaamiye Farmaajo ay iska indhatireyso dadaallada xal loogu raadinayo doorashooyinka lagu muransan yahay ee Soomaaliya.

“Isku soo duuduuboo Farmaajo wuxuu ku tashanayaa [Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed]. Wuxuu leeyahay Puntland iyo Jubaland waan ka maarmaa. Doorashada Somaliland-na wuxuu rabaa annaga oo joogno in uu [Muqdisho] ku qabto. Haduu sidaas leeyahay, Soomaaliya 4.5 ayay wax ku qeybsataa, maamuladaas haduu ka maarmo isaga ayaa metelo, annagaa iyo Shariif Sakiin ayaa ku tartameyno asaga tartanka kuma jiro” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ku baaqay banaanbax nabadeed ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada amniga loo adeegsado dadka banaanbaxaya.

“Waxaan ka hadlaynaa oo aan soo saaraynaa qoraal maalin kasta si aan bulshada ugu caddayno in qof  doonaya in laysku baaba’o oo dagaal sokeeye uu dhaco in uu yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” wuxuu ka digay doorasho aan la isku raacsaneyn.

Musharax Shariif Xasan Aadan oo ku eedeeyay Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu doonayo doorasho bililiqo ah, wuxuu sheegay in dhamaan doorashooyinkii afartii sano ee la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo dhiig badan ku daatay, isagoo tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Baydhabo, Dhuusomareeb iyo Jowhar. kuwaas oo dhammaantood Xukuumaddu door muhiim ah ku lahayd.

“Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuu noo tiirinaayey markii [aan xafiiska joognay] Ha ogolado imika in loo tiriyo oo doorashada dhexda ha dhigo laakiin ciyaarta aan ku doorto garsooraha ciyaartooydiina ma shaqeyn doonaan socon meyso. Wuxuu sidan yiri mar uu ka hadlayey sida loogu tartamayo kursiga madaxweynaha.

Musharax Xasan Cali Khayre oo jeediyay Khudbad umuuqatay in uu ka fogaanayo dhaliilaha Hogaamiyaha hada jirta ayaa sheegay in khilaafkii ka taagan doorashada 2020-21 ayaa sheegay in laga jaray qeyb kamid ah taageerada dhaqaalaha ee Soomaaliya ay siin jireen Caalamka sida Mushaaraadka Ciidamada. Balse ma soo bandhigin wax caddeyn ah.

Musharax ahaana hogaamiyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu wado “daandaansi” waxaan uu yiri:  “Dalkan cidna isma qab weynee dowldnimadaa la ilaalinayaa”.

Xasan Sheekh oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa sheegay in dowladiisii ay Al Shabaab ka qabsatay degmooyin iyo deegaano badan hayeeshee Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay maalin walba ku faanto in ay dhistay ciidamo balse aysan jirin deegaano ay ka qabsadeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay..

“Fariintan waxaan horey ugu diray Hogaamiye Farmaajo hadana waan ku celinaynaa; hadii Villa Somalia si qurux badan uga soo baxdo, waxaa jirta nolol qurux badan oo xushmad leh, laakiin hadii laga soo qordhabo ma heleysid fursada. Ayuu raaciyay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo soo xiray shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dowlada ay ka shaqeyso sidii loo heli lahaa doorasho lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu uga digay xukumadda Sheekh Shariif in ciidamada amniga loo adeegsado dadka ka aragti duwaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiintu maxaay ka sinaayeen Khayre mooyee.

Musharaxiinta ayaa dhamaantood ku eedeeyay Hogaamiye Maxamed C / llahi Farmaajo inuu adeegsado awood siyaasadeed, amni iyo dowladeed oo ka dhan ah mucaaradka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo is afgarad.

Waxay dhaleeceeyeen qabka ay wax uu wadaan guddiga muranka badan dhaliyay ee doorashada Soomaaliya. Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin in ciidamada dowladda la geeyo gobolka Gedo iyo rabshadaha ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cali Xasan ee kalsoonida baarlamaanka uu kala noqdey ayaa ka hadlay doorashada iyo muhiimada ay uu ledahay tahay in la helo wax lagu wada qanacsan yahay taas oo shaki ku abuurtay ajandaha kulanka ayaa la isweydiinayey in uu kujiro mucaaradka iyo inuu wali xubin ka yahay dowlada nabada iyo nolosha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More