Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo bil gudaheed safarkii labaad ku tagay Qatar

2

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa gaaray magaalada Doxa ee Caasimada Qatar, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan safarkiisa.

Booqashada Mr Fahad Yaasiin ee Doxa ayaa ah tii labaad oo muddo bil gudaheed uu ku tago, tan iyo markii xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabay 31 May.

Wararka ayaa sheegaya in booqashadii hore ay aheyd inuu ka tanaasulo xilkii uu ka hayay Xarunta dhexe ee taleefishinka afka dheer leh ee Al Jazeera, kaasoo haatan Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ay dalbadeen in albaabada la isku dhufto, kadib markii ay xiriirka u jareen Qatar.

Balse booqashadiisana labaad ee dalka Qatar ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto sidii dowlada Qatar uu ugaga soo dhaadhicin lahaa inay bixiso dhaqaalihii ay hore dowlada Sacuudi Carabiya ugu ballanqaaday dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa hada u muuqda mid qabanaya howshii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo loo arkayo inuu yahay isku xiraha Qatar iyo Villa Soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo xiriir wanaagsan la leh Qatar ayaa xilligan ah saaxibka ugu weyn ee Qatar ku leedahay Soomaaliya, waxaana la sheegaa inuu saameyn ku lahaa go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka ee dhex dhexaadnimada.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 10 milyan oo dollar, taasoo ah gargaar bani’aadanimo.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Muqdisho Somalia
xanafi02@gmail.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More